Useful Links
Somali Links

Faalo Baarlaamanka Puntland Muxuu Uhortaagan Yahay Rabitaanka Shacabka


 


 


 


Bismilaaha alxamdulilaah Wasalaatu Waslaamu Calaraa Rasuulilaah Wabacdu.


 


 


Hordhaca


 


Waxa Wax Siweyn Looga Xumaado Ah Shacbka Puntlandna Kaxumaadeen In Masuuliyiin Baarlamaanka Kamid Ah Ama Rag Sheegtay In Ay Magacyo Beel Kuhadlayaan oo Maamulka Dowlad Goboleedka Somaliyeed Katirsan In  Ay Saxaafada Kasheegeen In Ay Marxalad Qabiil Weli Uciil Qabaan Lana Soolaaban Doonaan Xisbiyo Beeleedyadii Dalka Somalia Dembiga Kagalay ee Burburkiisa Iyo Qabyaalad Masuulka Ka Ahaa Burburintii Qaranimada Somaliyeed oo Dhaxalkeedii Sharafdarada Laga Helay la ogyahay Ilaa Iyo Hadana Somali Dhibtii Gacmeheeda Ay Iskugu geysatey Harkeedii Jiifo oo Ahayd Markii Nin kasta Hadii uu Madaxweyne Yahay hadii Generan Yahay Isla Sootaagey (Anigu Nin Reer Hebal Ah Baan Ahay ) Hadaba Su Aasha Isweydiinta Mudan Reer Hebel Muxuuyahay Ma Dal Magiciis Baa Mise Qaarad.


 


Dhibtii Qabilka Laga Dhaxlay Somali Sharaf Xumadii Ay Gaarsiisey Xitaa Hadii Magcii Somaliyeed Soonoolaado Mid Ka Hareysa Maha Iyadoo Tii Ugu Qaabka Darneyd Ahayd Markii Somali oo Hal Qoys Ah 4.5 Looqaybiyey Barlamaankiina Kuraas Isladheceen oo Warbaahinta Aduunka oodhan Lagasiideyey.


Aasaaskii Puntland  Ilaa Iyo Hadan Waxa kuxusan In Puntland  Maamul Somaliyeed uu Yahay Degaanada Puntland Ladhohona Kubahoobeen ee Isir Wadaagta Ah Isir Wadaag Macneheeda Maaha Beel Sida Darood Ama Harti ee Waa Degaan Wadaag Cid Kastana In Ay kusoobiiri Karto Baa Albaabadu Ufuran Yihiin Weli.Cidii Kabexeysana Ay Sidoo Kale Tahay.


 


 


Akhristow Ujeedada Aan Kaleeyahay Waxa Weeye Wax Baarlamaanka Puntland Diidmo   Ka Keenay  Dastuurka Cusub ee Nadaamka Dimuqraadiyada Aasxaabta Balaarinta Maamulka Hanaan Wanaaga Rabitaanka Shacabka Horumarka Cadaalada Kala Dameynta Isu Soocelinta Umada Somaliyeed  Soo Afmeerida Khilaabfaadka Intaba Horseedi lahaa Waxana Baarlamaanka Qaarkood Kudoodeen In Gobolo   Puntland Ka Mid Ah Laga Saaray Kuma Aysan Taal dastuurka taasi   Sal Iyo Raadna Maleh Markaas Sow Loma oran Karo Baarlamaanka Weeye Meesha Puntland Ka talaabsan Wedey.


 


Maamulka Puntland 11 Sano Iyo Bilo Kahor  Ladhisay Waxa Hubaal Ah In Degaanadii kubahoobey Ay Bed Qabaan Masiibadii Dalka Somalia Kadhacdayna Ilaah Iyo Maamulka Puntland Bad Baadiyeen Shacabkaasi Cidii Wax Kamaqan Yiihiin Horumar Ama Saami iyada Dib Hayskugu Laabtaan Hana Isasoosexeen Hana isweydiiyeen Maxaan Haysanaa Ama Ina Kamaqan. Iyagaana Wixii Ay Tabanayaan Isu Geystey.


 


 Magaca kacdoonka Dhaliyey ee Waqooyi Bari ee Degaanada Puntland Khaastan Gobolada  Nugaal Sanaag Bari Sool Mudug Inta Shacriga Ah Hadii Wixii Lagu Daray Lagudarona  Waa Karkaar Highland Iyo Cayn Welow Ay Warbaahinta  Aan Sharciga Ahayn   Iyagu Higland Meesha Kasaareen Iyadoo Aan  Isweydiin Waxa Ay Karkaar Iyo Highland Ku Kala Duwan Yihiin Marka Aragtidooda Siisay In Ay Midna Qoraan Midna Iska Katagaan  laga Reebo.


 


 


Magaca (Northeast) Waqooyi Bari . oo Ah Halka Ay Mapka Somalia Kaga Taal Puntland . oo Ah (North east (Puntland Satate Of Somalia )). oo Ah Shan Gobol Iyo Sadex Maamulka Puntland Kudarsday Maxay Tahay Sababta Dadkii Qabiilka Kuqanacsanaa Ay Asxabta Ugu Qanci La,yihiin.Taas Waxa Loo Qaadan karaa In Dadka Ku Hadaaqaaya Ururadii Usp Iyo SSDF Ay Siyaasadooda Halkii 1980 Joogto oo Aaney Wax Horumar ah Kagaarin Dhinacyada Siyaasada Iyo Dhan Ay tahay Toona


Qiyixid Magaca Waqooyi Bari


(South west) Waxa weeye  Gobolada kale ee koonfureed). (Nothwest Waqooyi Galbeed Somaliland State Of Somalia ) Northeast Puntland State Of Somalia Hadii Dhinaca Jubooyinka Maamul Goboleed Kahirgalo Iyaduna Kuwaas Buulamid Yahay Shacabka Puntland ee Hananka Wanaagsan oo Ay Naftooda Iyo Maalkoodaba uhureen Una Sabureen Waqtigii Kala Guurka Ahaa    Xildhibaanada Carqaldeynaya  Rabitaanka Shacabka Puntland  Waa Kuwo Labo Jeeblayaal ah  Aan Kalsooni Weyn Kuqabin Maamulka Dowlad Goboleedka Puntland ee Somaliyeeeed.Shacabka Puntladna Waa In Ay Istusaan.


 


 


 


Xildhibaanada Shalay Codkooda Siiyey Mudane Madaxweyne Faroole In Maanta Qaylo Kasooyeerto Waa Mid Dadka Reer Puntland Uarkaan In Xildhibanadaasi Ay Yihiin Kuwo Hananka Rabitaanka Puntland Aanu Ka Go.nayn Heer Ay Tahay Toona Waxna Cad In Baarlamaanka Puntland Ay Musuq Maasuqa Cadaalad Daro Qabyaalad Iyo Wax Kasta iyagu Masuul Kayihiin Wikiilnimadii Loodhiibteyna Ay Gabeen oo Puntland Meel Xun Ladoonayeen Weligood.


 


Waxa Jira Hadalo Ama Maqaalo Isdabo Marsan oo Lagu Faafiyey Warbaahinta Qaarkeed kuwaasi oo Lagu Sheegay In Faroole Baarlamaanka Ka Horsheegay In Gobolada Sanaag Iyo Sool Laga Saaray Puntland Waxana Lawada Ogyahay oo Cid Kasta Dhegeysatey In Faroole Aanu hadalkaas Oran Balse uu Yiri Puntland  Waxa Dastuurka Cusub Kuxusan In Ay Noqdeen Waqooyi Bari oo Gobolada Kala Ah Bari Sanaag Nugaal Mudug Iyo Wixii Maamulkaasi Kudarsaday In Dastuurka Cusub ee Maanta Loosameyey uu Yahay Mid Goboladan Waqooyi Bari La oran Doono oo Horay Loo Kala Oran jirey Koonfur Iyo Waqooyi Galbeed Xildhibanada Hadalka Madaxweynaha Siyaasadeeyeyna Waa Kuwo Jacayl Magicii Waqooyi Galbeed Ahaa ee Laga Guurey Kamuuqado Ama Dhinacaas raba.


Gunaanadkii


Waxa Umada Somaliyeed Iyo Reer Puntlandba Wada ogyihiin In Goboladan Kuwo La Isku Darsaday Yihiin Ninkastina Gobolkiisa Meesha uu Jecelyahay la Aadi karo oo Aanu Khasab Jirin Marka Mudanayaasha baarlamaanka Puntland Horayna Puntland iyagaa ula Degey hadeerna Waa Is Qarinweydey Puntland Waxay Horu Mar Gaari kartaa Marka Xildhibaano Doorasho Kuyimi Lakeeno.Su Aasha Jawaabteedana Waa Nin kasti Gobolkiis Meeshi Dan uu Moodo laha Aado.


 


 


Bahda CEERIGAABONEWSDESK