Useful Links
Somali Links

FW: (Maqaal)Qaar ka Mid ah Wakaaladaha internetka ee Wararka Somalia laga heello Oo isu bedelay kuwwo Saxafiyiinta kale Weerara Oo Wejiga ka bedello

 


 


 


Warbaahinta Somaliyeed ee ka Howla Gasha dalka Si aad ahna ay Dadku ugu Xiran yihiin ayaa Waxay Noqdeen kuwwo kiciya Dadka Somaliyeed iyagoo Dadka Leh Hay,adahaasi Warbaahineed ay U Adeegsadaan Sidda ay Rabban iyagoon eegayn in Tahay Shabakad Warareed Oo ay Dad badan ku Xiran yihiin.
 
 
Somalia Waa Meel ay ku yaalan Idaacaddo Fara badan iyo Weliba Shabakaddo Warareed Oo Dhanka Internetka ah Oo iyaguna Tiradda ka batay Taas keentay in ay Websiteyadii Somaliyeed ay Tayyo beelaan Waxaa jirta in ay Dadka leh Shabakaddaha Wararka ee Dhanka internetka ah ee Somalia ay Noocay Doonaan u Isticmaalaan iyagoo Gelinaya Warar aan Xaqiiqda ku Salaysnayn Oo ah ku la buun buniyey Teedo kaleeto Waxaa jirra in ay qoraan Maqaallo iyo Faaloyin aan Xaqiiqda ku Salaysnayn ee Markay Magac ay bixiyaan Hellaan Ama Loo sheego aan Qorin Micnaha Liidku Fadhiyo ee Meeshay Rabbaan ka bilaaba Maqaaladaasi.
 
 
Waxaa kaloo jirta in Ragga Qora Websiteyadda Somalia ee ku Sugan Gudaha Dalka ay yihiin 85% kuwwo aan ku jirin Saxafiyiinta Dhabta ah ee Somalia balsse ay yihiin kuwwo Aan aqoon Dheer u lahayn qaabka Wararka loo Qoro ee loogu Daabaco Websiteyo Mana aha kuwwo ka Fekera 100% Waxaa ka Iman karra Wararka ay qoraan Waxaa intaasi u Sii Dheer in ay jiraan iyagoon Ogayn Ama Rumays Nayn in la Akhrisnayo Wararkaan ay qoreen Taasina Waa Caqabaddo Waa Wayn Oo Soo Weraray Saxaafadda Somalia.
 
Dhanka kale Waxaa jirta Websityo Tiradda ka battay Oo ku Soo badanayna Waddanka Somalia Subbax Welibana Waxaa kugu Soo kordhay Website Cusub Oo aanad Horay u aqoon Waxaana Dhacday in Wiilkasta hooyo kasta iyo Odaykasta uu Samaysto Website Waxa Jirtay Waagii horre in ay Websit-yadda ay ahaayeen kuwwo Caalami ah oo la Xigto Oo lagu yaqaano Dhamaan Caalamka Oo ay Wakaaladaha Wararka Xigtaan iyo kuwwo ku Hadla Af beeleed iyo kuwo kale Oo ku haddla Af Siyaasi Taasina Waxay ahayd Wax iska Caadi ah Oo Somalidu iska Difaaci karto Somalidu.
 
 
Iminka Somalia Waxaa ka Soo baxay Websit-yo Fara badan Oo Tayo lahayn Oo loo bixnaayo Magacii la Doono Sidda Cirka.com Faattadhug.com iyo Weliba kuwo kale Oo Loo bixanayo Magac beeleed Sidda Mudulood.com iyo Wax la Mid ah inagoo Horay u naqaanay in Somalidu ay ka Dhigtaan Magacyadda Websit-yadda kuwo Magaalo iyo kuwwo Dooxooyin iyo weliba kuwoo Tayeysan Oo Murti ku Fadhiya Calanka.com Laasqoray.net Allidamaale.com Ceerigaabonews.com  iyo Wixii La Mid ah Taasina Waxay ahayd Guul hasse yeeshee Websiteyadaan kale ee Somalidu Samaysatay ayaa Waxay Noqdeen kuwwo Cidkasta lagu Weeraro Sidda Weriyaasha Oo Loo Falankhaynayo beel beel Taas Hatan ku Daabacan Websityo badan iyagoo Weriyaal La Aflagadaynayo Laguna Sheegayo Waxanay ahayn Sidda in Wejiga laga bedelo Oo Madax kale Oo Fool Xun la Saaro iyo Weliba in lagu Sheego beelaha la yasso ee ku dhaqan Somalia Taasina Waa Cuquubo laga Galay beelahasi iyagoo la Moodayo in Dadka Wax Dhiman yihiin Oo anay ahayd Dad Dhamays ah Haddi aan Soo qaato Mid ka Mid ah Websit-yadda Magaca beelaha leh isla Markaasna Lagu Weeraro Saxafiyiinta Somaliyeed qaarkood Sidda Website ka Haweiyenews.com waa Website Saxafiyiinta inta Sawirkooda Photo shop la Geliyo laga Dhigo Daanyeero isla Markaasna laga Diyaariyo Warbixino aanay u qalmin.
 
 
Ciladdu Maahan Oo keliya Websit-yadda Waxaase jirta idaacaddo Faraha ka Batay Oo Dalka ka jira Kuwasoo Sheega Waxay Doonaan iyo Waxaa uu yiraahdo Ninka leh ha lagu Dhaqmo iyagoon Laga Dhaqmin Marnaba Sharciga Saxaafadda Somaliyeed Magala kastana Waxaa ku Taala ugu yaraan 2 idaacadood Oo Mid kasta Nin leeyahay Taasna Waa Caqab baladhan Oo Dhibaato ku ah Dalka iyo Dadka Somaliyeed Wararkayga Sheegana Waa warar Runtii aan ahayn kuwo Xaqiiqda ku Fadhiya ee Waa kuwo ah yaa Meesha ka Taliya Marka la hubiyo Cidii Meesha ka Talisa kadib Waxay Dhacda in lagu haddlo afka Ciida Talinaysa Markaas buubunis aan Caadi ahayn iyagoo lagu Samayo.
 
 
Waa Su,aal Da,weyn Maxaa Sabaabay in Saxaafadda Somalia ay isu Adeedsadaan Websiteyo iyagoo laysaga bedelayo Wejiga Waxaanu ahayna lgu Sheego Saxafiga?
 


Haddaba Ciddi ka jawabaysa Su,aasha ugu Damabaysa Maqaalka Waxay ku Soo Aadin karaan
Fikirkoodda Emailkaaas Waxaa Soo Daabici kara Website-kasta Oo qaadi kara Masuuliyadiisa Dhabta ah qoraalkaan.
 


 


W/Q:Abdirahman Mohamed koronto
Email:danjire_143@hotmail.com
Xog Aruurin Dhab ah Oo aan ku Sameyey Saxafiyiinta Somalia