Useful Links
Somali Links

Qarax Xoogan Oo ka Dhacay Gudaha Magaalada Laascaanood Ee Xarunta G/sool

Qaraxa ayaa  lala beegsadey Saldhig Weyn oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Somaliland, Ee magaalada Laascaanood


Qarax Oo Ahaa Nooca Gacanta laga tuuro  Ayaa Waxaa la soo sheegayaa inay ku dhinteen  4 Askri oo ka tirsan ciidamada Somaliland, Sida Ay soo sheegayaan Qeybo Kamid Ah dadweynaha ku sugan Gudaha Magaalada laascaanod


Qaraxan Ayaa  waxa uu dhacay xili ay ciidamadu Ka soo noqdeen  Roondo ay Habeenkii xalay Ahayd Ka wadeen Gudaha MAgaalada laascaanod Taas oo ay ku soo qabteen Walxaha Qaraxa Sida Ay sheegayaan Saraakiisha Laamaha Amaanka Ee Magaalada Laascaanood,


Ilaa iyo Haatan Majiraan Cid loo soo qabtey Qarax Saaka Ka dhacay Magaalada laascaanood,  Walow ciidamadu Ay haatan Wadaan badhitaano Xoogan Kuwaas ay ku raadinayaa cida ka danbeysay Qaraxan ,


Magaalada Laascaanood Ee xarunta  G/Sool.  Ayay Mudooyinkii u Danbeeyey Waxay ahayd meel Ay ku soo badanayaan , Qaraxyada Kala duwan ee loo Geeysanayo Ciidamada Maamulka Somaliland ee ku sugan Gudaha Magaalada Laascaanood 


Dhinaca Kalana Qaraxan ayaa ku soo  Beegmaya xili ay  Shalay  Ciidamo  ka socda Maamulka SOmaliland Ay Gadheen deegaanka Holhol oo uu Shirweyne Baaladhan Uga Furmi lahaa issimada Beesha Dhulbahante.


Diiwaanka Wararka
Ceerigaabonews/desk
Ceerigaabonews@gmail.com