Waa kuma Prof. Cali Geedi? Waa Ra’iisul Wasaarihii sannadkii 2004tii majaraha u qabtay Golihii Wasiirrada ee Dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed (2004 – 2007). Waa geesigii hubka ka dhigay qabqablayaashii dagaalka ee muddo 15 sannadood ah xoogga iyo xabbadda ku haystay shacbiga Soomaaliyeed (gaar ahaan reer Muqdisho) ee tabaallaysan ayna isu bahaysteen dagaallada sokeeye, cudurrada, gaajadu, qaxa iyo barakacu. Waa hoggaamiyihii xukuumaddiisu ka hortagtay in argagixisada caalamiga ah, oo kaashanaysa khaa’imiin magac Soomaaliyeed leh, ay ku guuleysato inay gabbaad ka dhigato gayiga Soomaaliyeed. |
Waa halyeygii Dowladda Federaalka KMG ah ku tallaalay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho (VILLA SOMALIA) oo dowladihii kala dambeeyey ee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed (2 jeer) iyo Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan (TNG) aanay marna ku guuleysan inay fadhiistaan Villa Somalia balse uu nasiib u yeeshay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.
Dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi waxay dhistay, tababartayna ciidamo qaran (Mileteri, Boliis, Asluub iyo Nabadsugid) oo hananayey amniga dalka, waxay maamullo ka dhistay gobollada Baay, Bakool, Gedo, Banaadir, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Hiiraan iyo Galguduud, waxay sidoo kale dhistay Maxkamadda Sare iyo Guddiga Adeegga Garsoorka, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, Xafiisyada kaabayaasha dhaqaalaha sida Xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud.
Dowladdaasi waxay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed (dib u furid safaaradihii Soomaaliya) ee ururrada caalamiga ah iyo dowladaha adduunka si ay Soomaaliya ugu soo noqoto mansabkeedii dowladnimo.
Nasiib darro waxa waayahan dambe soo ifbaxay dagaallo siyaasadeed oo ka dhan ah, laguna xogxoganayo Ra’iisul Wasaarihii Hore Mudane Cali Maxamed Geedi si jid gooyo loogu dhigo hamigiisa siyaasadeed ee mustaqbalka, isbaarooyinkaas siyaasadeedna waxa ka mid ah:
1. In mas’uulkaas qaaliga ku ah ummadda Soomaaliyeed lagu tilmaamay mucaarad duminaya dowladda Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed. Prof. Geedi waa bud dhigaha Dowladda, dhaqakiisa lagu yaqaanna waa wax dhisid ee ma ahan wax dumin.
2. In lagu dacweeyey Dowladda Kenya iyadoo Dowladda Soomaaliyeed qortay warqad lagu eedeynayo qaran dumisnimo, si looga saaro dalka taasoo socon weyday maadaama Dowladda Kenya kalsooni badan ku qabto raallina ka tahay joogitaanka Mudane Geedi ee Nairobi.
3. In shirqoollo dhowr ah loo dhigo, dacaayado rakhiis ahna laga fidiyo iyadoo la rabo in sumcaddiisa la wax yeelleeyo, hase ahaatee taariikhdiisii shaqo ee saddexdii sano ee uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa ayaa markhaati ka ah waxqabadkiisii, aragtidiisa siyaasadeed iyo waxa uu ka damacsan yahay mustaqbalka dadkiisa iyo dalkiisa iyo sidoo kale mandiqadda geeska Afrika iyo guud ahaan caalamkaba.
4. In taariikhdu markay ahayd Jannaayo 23, 2010 uu Kuxigeenka Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Cali Maxamed Yuusuf (Cali Yare) uu Mudane Geedi ku tilmaamay dembiile dagaal lana maxkamadeyn doono iyadoo la wada ogsoon yahay in qabqablayaashii dagaalka ee Prof. Geedi uu hubka ka dhigay ay adeegsadeen Cali Yare. Waxaase xusid mudan in sharcigu u hiilliyey waddaniga daacadda ah waa Prof. Geediye kaddib markii Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed Dr. Cabdullaahi Daahir Barre uu beeniyey eedeynta uu kuxigeenkiisu ku weeraray Ra’iisul Wasaare Geedi.
Soomaalidii dhageysatay warbaahinta aad bay u faraxday markay maqleen beeninta, Xeer Ilaaliyaha Guud ayeyna hambayo u direen meel kasta oo ay joogaan iyagoo isticmaalay khadka telefoonka.
Dad fara badan ee la soo xiriiray xafiiska shabakadatan waxay leeyihiin: Mudane Geedi, shacbiga Soomaaliyeed ayaa ku jecel diyaarna kuula ah hiil iyo hooba ee u dul qaado xogxogashada waxmagaratada laguu soo diray. Mudane Geedi: Xaal qaado ee hore u soco ha caroonin. Ogow inaad ku caan baxday hal-adeyg, waddaninimo, daacadnimo, geesinimo iyo dad iyo dal jacayl.
PROF Cali Maxamed Geedi waxa hubaal hadii ay jirto kala dameyn iyo nadaam Sharci ah InTaalo weyn oo laxuso loodhisilahaa Geesigii 2004 ilaa iyo haatan Siyaasada Somalia Iyo rajada Qaranimada Somaliyeed Soonooleeyey Nadaamkii uu Hirgeliyeyna Weli Luf Lufkiisii Ay Cunayaan Dowlada Jirta iyo Beesha Caalamka oo Cali Maxamed Geedi Wax Qabadkiisi Iyo Soonooleynta Qaranka Somaliyeed oo Lugihiisa isku Taaga Ay Markay Arkeen xukunka katuureen.
Geesi Cali Maxamed Geedi Ayaa Somalia Raisiulwasaare Kasoonoqday Xili Laga Quustay Xaalada Somalia Beesha Caalamkana Dhabarka Usoojeediyeen Waxana Cali Maxamed geedi Kartidisa Iyo Raganimadiisa Ku kasbaday Mudo 6 Months Ah Rabitaanka beesha Caalamka oo In Dhohooda Ku Wareereen Dedaalka Iyo Geesinimada Cali Maxamed geedi oo isku Keenida Somalia Iyo In Somali uu Bad Baadiyo Naftiisa Halkis Weyn oo Loma filaan Ah Marar Badan Caasimada Somalia Loogu Geyestey Warbaahinta Caalamkana Ay geesi Aan Dal Iyo Dad Lahayn uqireen Waxana Cali maxamed Geedi Ahaa Raiisulwasaarihii Somalia Abid soomara oo kala dhaqaajiyey Shaqadii Iyo masuulimadii qaranka Somaliyeed iyo Guud Ahaan Beesha Caalamka Kasaarneyd.
Mustaqbalka Cali Maxamed geedi
Haleyey Cali maxamed Geedi oo Ah Shaqsi la dhinac dhigi Karo Halgamaayadii Dalalka SOUTH AFRIKA IYO India America Gumeysiga Saldhiga Kasmeystay oo hiirooga Loo aqoonsaday uu kasiisito kuwaasi oo kala Ahaa Gnadi Iyo jiimi caster Halgamaagi Cali Maxamed Geedi Ayaa Maanta lays Oran karaa waa shaqsiga badbaadada Somalia Aygacantiisa ku jirto marka la eego go aamadiisa iyo siyaasada ali maxamed geedi oo kamadax banaan xaalada murugsan ee somalia oo qabiilka iyo is riix riixa uuna yahay shaqsi aan ufekereyn sida somalida kale ee dalka lawadaaga.
Cali Maxamed geedi ayaa ku hoboon leader qaranka somaliyeed Tubta Nabad gelyada hananka wanaagsan nabad kusoo dabaalida iyo xasilooni waarta xagta usaari kara islamarkaana guul loma ilaawaan ah ka gaari kara xaalada somalia kana digtoonaan kara shirqoolada beesha caalamka e somalia ay ladamac sanyihiin cadka somaliyeed iyo qaarada afrkina soo dhicikara oo ah halyey qaarada afrika kamuqun lahaa hadii jaanis loosiiyo xaalada somalia ama somali cali maxamed geedi ay gartaan in midka kujira uu yahay.
Waa Qalinkii
Maxamed Cabdulle Xasan "Siidi"
soomaalidamaanta@live.com
Sweden