Useful Links
Somali Links

Beesha Dishiishe Axmed Harti oo Baaq Kasoo Saaray Xukunkii Maxkamada Puntland oo Ay Sheegeen In Aaney ku Qanacsaneyn

KU Dowlada Puntland

Ku Isimada Puntland

Ku Culumada Puntland


Waxaan marka hore u dar-daarmeynaa dadka reer Puntland midnimo walaaltinimo iyo
wadajir, hadaba waxaan la soconaa dilkii marxuum Cabdulaahi Cali Kaarad loo qabtey
nin isagu lagu sheegey in uu geystay dilka marxuumka, hadaba sida aan la socono
maanta Somalia iyo Puntland midna ma laha aqoon-sare oo lagu baaro falalka noocan oo
kale waxaana beesha uu ka dhashey Xildhibaanka ee Saleebaan ineysan ku qancin sida
loo qaadey dacwada iyo go'aanka maxkamada. Sidaa darteed waxaan codsaneynaa in si
aqoon iyo daacdnimo ku dheehan tahay loo baaro dilkii marxuumka, waxaana muhim ah in
dowlada Puntland ey arintan qeyb lixaad leh ka qaadato. Waxaana culumada Puntland ka
codsaneynaa iney howshan qeyb ka qaataan sidii loo soo afjari ahaa baaristan. dadka
reer Puntland waxaan ka codsaneynaa inaan loo gacan dhaafin beesha iyo in aan la
qorin maqaalo iyo warar kicin kara xasaasiyad u dhaxeysa beelaha walaalaha ee ey
dhextaalo arintan ugu danbeyn waxaan u dar-daarmeynaa in Alle laga baqo


Eng Cumar Cartan Salax
Eng  Mursal Axmed Makhtal
Aqoonayahan Sakariye Mohamed Isticmaar
Aqoonhan    Bashiir Dubad Faarax
Aqoonyhanad Qaali Saciid Shabeele
Aqoonyahan   Mustaf Saciid Shabeel
Aqoonyahan   Maxamud Saciid Afcase
Aqoonyahan  Bashiir Cismaan Maxamud Afcase
Marwo  Ilhaan Cumar  Samatar
Ganacasade Bashiir Gaacshe Maxamud
Caaqil   Samatar  Saalax Faandho

Bashiir20@hotmail.co.uk