Dagaalkaan ayaa la sheegay inuu qarxay ka gadaal markii ciidamada Ahlu Sunna Wal-Jameeca weerar ku qaadeen fariisin deegaankaasi ku lahaayeen ciidamada Al-Shabaab.
Labada dhinac ayaa dagaalka isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ay jiraan qeyla dhaan gurmad oo labada dhinac dirsadeen kuwaasoo la filayo inay daqiiqadaha soo socda kusoo biiraan dagaalka wali socda.
Dhawaqa rasaasta xoogan ee labada dhinac dagaalka isku adeegsanayaan ayaa laga maqlayaa guud ahaan deegaanada ku dhow dhow deegaanka dirirta saaka ka socota ee Warxoolo, iyadoo aysan jirin ilaa xiligaan cid xaqiijin kareysa khasaaraha dhabta ah ee dagaalka sababay.
Saraakiisha Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna oo Ceerigaabonews la xidhiidhay ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalka socda, waloow aysan jirin cid ka madax banana oo Saxaafada u xaqiijin kareysa xaqiiqda dagaalka.
Dhinaca kale, Fariisin ay ciidamada Ahlu Sunna Wal-Jameeca ku lahaayeen goob deegaanka Coosweyne ee gobalka Galgaduud u jirtay 10-KM ayaa saaka waxaa weeraray ciidamada Al-Shabaab ka tirsan.
Goobtaasi ayaa dagaal culus labada dhinac ku dhex maray, iyadoo lasoo sheegayo inaysan jirin cid ilaa xiligaan goobtaasi gacanta ku heysa isla markaana ciidamada dagaalamay wali is hor-fadhiyaan rasaas goos goos ahna ay is weydaarsanayaan.
Xaalada gobalka Galgaduud ayaa saaka aad u kacsan, iyadoo degmada Dhuusa Mareeb laga dareemayo gurmad xoogan oo Ahlu Sunna Wal-Jemeeca u direyso deegaanada ay saaka dagaalada ka socdaa.
Diiwaanka Wararka
Ceerigaabonews Desk
Ceerigaabonews@gmail.com