Qaraxaan oo sida la sheegay ahaa miino waddo dhinaceed lagu aasay isla markaana ahayd nooca ramuudka lagu hago, ayaa lala eegtay gaadhii ay leeyihiin ciidamada Sirdoonka Puntland ee PIS oo xilligaasi marayey waddada.
Labo ka mid ah askartii saarnayd gaarigaasi iyo sidoo kalana labo qof oo shacab ah oo marayey waddada dhinaceeda ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi miino, kuwaasi oo loola cararay Isbitalka Weyn Ee Magaalada Bosaso
Ciidamada ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa isku gadaamay goobtii ay wax ka dhaceen iyagoo halkaasi ka bilaabay baadhitaanno ku saabsan sidii wax u dhaceen iyo ciddii ka danbaysay falkaasi
Illaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay weerarkaasi, hase yeeshee saraakiisha ammaanka ee magaalada Boosaaso oo ay ceerigabonews ay wax ka weydiisay sida wax u dhaceen iyo wax bileyska u qabsoomay ayaa Sheegay in Badhitaanada Kadib Ay Warbaahinta u soo Gudbin Doonaa Cida Ka danbeysa Qaraxan
Diiwaanka Wararka
Ceerigaabonews/Desk
Ceerigaabonews@gmail.com