Useful Links
Somali Links

Dowlada Jabuti Oo Ciidamo U Soo direysa Somalia

Soomaaliya 450-askari oo xoojiya ciidamada ka socda Midowga Afrika ee ku sugan halkaas.

Ciidamada AMISOM ayaa waxay ka socdaan dalalka Burundi iyo Uganda iyadoo dal walba uu ka socdo 2,500-Askari, kuwaasoo maalin walba dagaalo iyo weeraro ismiidaamin ah kala kulma xoogaga Islaamiyiinta ah diidan joogitaankooda.

Mas'uulkan u hadlay dalka Djibouti wuxuu sheegay in ciidamadoodu ay tagi doonaan Muqdisho bisha soo socoda ugu dambeyn, waxaana tirada ciidamada AMISOM ay ka dhigayaan 5,450-askari.

"Waxaan diyaarinaynaa ciidamadeena, waxaana siinaynaa tababar si ay howshood ugu gutaan sida loogu talogalay" ayuu yiri wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf oo ka qaybgalayay shir hordhac oo ay yeesheen wasiirrada Midowga Afirka.


Yuusuf wuxuu sheegay inuu rajeynayo in dalalka kale ee Afrika ay iyaguna bixiyaan ciidamo la mid ah kuwa ay bixiyeen si loo garab istaago Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta kooxo hubeysan.

"Somaaliya waa dal aanu daris nahay, waxaan leenahay xiriir aad u wanaagsan, waxaana aragnaa waxa ka socda, taas ayaana keentay inaan ciidamo ku darno kuwa Midowga Afrika" ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.


Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Jabuuti wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya uu khatar ugu jiro inay la wareegaan maamulkiisa kooxo Xidhiidh la leh Al-Qaacida, isagoo ugu baaqay caalamka inay gacan ka geystaan sidii kooxahaas looga hortagi lahaa.

Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa horay uga digay in Jabuuti ay ciidamo u dirto Soomaaliya si ay uga mid noqdaan AMISOM, iyagoo xusay inay ula dagaalami doonaan sida ay ula dagaalaam Ciidamada Uganda iyo Burundi ka socda.


Diiwaanka Wararka
Ceerigaabonews/desk
Ceerigaabonews@gmail.com