Muqdisho: Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe laga kala cararay Hotelka Ambassador ee Muqdisho halkaasi oo ay degan yihiin masuuliyiin isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DKMG ah kadib markii ay hotelka ku habsadeen madaafiic lagu garaacay dhismooyinka dawladda ay ka degan tahay wadada Makka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho. Laba madfac ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaceen gudaha Hotelka oo ay bur bur geysteen iyadoona aan la helin wali xog sheegeysa khasaare nafeed oo halkaasi kusoo gaaray xubnaha DKMG ah, hayeeshe waxaa la hubaa in hotelkaasi xalay saqdii dhexe laga cararay.
Wasiiro iyo Xildhibaano ka baxsanayay madaafiicda ayaa la sheegay in ay dhanka Garoonka diyaaradaha Muqdisho u baxsadeen kadibna ay soo celiyeen Ciidamada AMISOM oo u sheegay in aan gudahooda loosoo gudbi karin, waxaana ay taasi keentay in ay xubnahaasi galaan dhismayaal Iskuul iyo kuwa kale oo ku yaalla hareeraha wadada si ay kaga weecdaan dhismayaalka bartilmaameedka ah.
Dhanka kale Wasiiro iyo xildhibaano ayaa xalay ka cararay dhismaha madaxtooyada Villa Somaliya kadib markii xabaddu ay kusoo dhawaatay madaafiicna ay kuso dhaceen, waxaana ay xubnahaasi qaarkood ka baqeen in Islaamiyiintu ay soo qaadeen dagaal kama danbeys ah oo ay kusoo galayaan xarunta Villa Somaliya.
Xubnaha qaarkood ka cararay Madaxtooyada ayaa sheegay in ay dagaalka aadayaan si ay isku badbaadiyeen hayeeshee waxaa ay wararku sheegayaan in ay u baxsadeen dhanka Xaafadaha ku dhaw garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay isku qariyeen.
Dagaaladii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa kuwo si saf ballaaran kaga dhacay degmooyin dhowr ah oo ku yaalla Muqdisho, iyadoona Mujaahidiinta Al-Shabaab ay xaqiijiyeen dagaalkaasi khasaare in uu kuso gaaray maleeshiyada DKMG ah oo xalay ka cararay difaacyadooda qaar.