Useful Links
Somali Links

Xaflad sanad-guuradii 1aad oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Somaliya



Munaasabad loogu dabaal degayo sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxwaynaha Dowladda kmg ee soomaaliya md sh. Shariif sh. Axmed ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxda ugu sarraysa Dowladda KMG-ka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Madaxwaynaha Dowladda KMG-ka ee Soomaaliya Sh.Sahriif Sh.Axmed,Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadan maxamed nuur madoobe ,Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Dr.Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke , Gudoomiyaha Maxkamadda sare ,xubno katirsan labada Gole ee Dowladda ,Odayaal dhaqameedyo iyo Marti sharaf kale oo lagu casumay Munaasabaddaasi.

Madaxwaynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sh.Axmed oo khudbad muhiim ah oo dhinacya faro badan taabanaysay ka jeediyay Munaasabadaasi ayaa ugu horrayn u mahad celiyay dowladihii gacanta ka geystay Heshiiskii Jabuuti ee taariikhiga ahaa islamarkaana lagu dhisay Dowladda Midnimada Qaran ee haatan dalka ka jirta , waxa uuna tilmaamay in muddada halka sano ah ay Dowladdu ku guulaysatay waxyaabo aad u faro badan in kastoo uu sheegay Madaxweynuhu in haatanna ay jiraan Howlo aad u tiro badan kuwaasoo horyaalla Dowladda Soomaaliya.

Madawayne Sh.Shariif Sh. Axmed ayaa shaaca ka qaaday in mudnaanta koowaad ay Dowladdu siinayso sugidda amniga si taas loo helana ay dowladdu ku dadaalayso dhisidda ciidamo qaran oo xoog leh arintaasoo horay loogu guuleystay ,waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in goor dhow ay shacabka soomaaliyeed ka dulqaadi doonaan gumeystaha shisheeye ee Dowladnimada u diiddan Umadda Soomaaliyeed ee u oomman ammaan iyo kaladanbayn buuxda oo dalka ka dhalata.


Sh.Shariif Sh.Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa ka hadlay Qorshaha Sanadka soo socda u dagsan Dowladda KMG-ka Soomaaliya taasoo ku aadan inuu yahay Mid isku tasho ah oo aan cidna garab looga raadinayn,si Dowladdu ay u fuliso Masuuliyadda ay u hayso Bulshada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale intii uu Madaxweynaha jeedinayay Qudbaddiisa ayuu ugu baaqay Beesha Caalamka inay fuliso Ballan qaadayadii ay ugu yabooheen Dowladda Soomaaliya si Dowladdu ugu guuleysato Howlaha adage e Hor yaalla xilligaan.

Mar uu Madaxweynuhu ka hadlayay Maleeshiyaadka Kooxaha kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayuu ku tilmaamay inay yihiin kuwo ka been sheegaya Diinta Islaamka islamarkaasna si qaldan ugu tarjumay Dadweynaha Soomaaliyeed,isagoo ku eedeeyay in Kooxahaasi ay faagayaan Qabuurihii Culumada asalka u aheyd Fidinta Diinta Islaamka taasoo ay Maleeshiyaadkaasi ku andacoonayaan inay Culumadaasi ahaayeen Kuwo gaalo ah oo ay isku dayayaan inay uga dabo tagaan qabriyada.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh.Axmed ayaa xusay inuu 100%u diyaar garoobay in gebi ahaanba uu dalka Soomaaliya ka xureeyo Maleeshiyaadka Kooxaha dhibaatada ku haya Umadda Soomaaliyeed,waxa uuna sheegay inay Dowladdu muddo ka warsugeysay in Dhallinyarada la marin habaabiyay ay ka laabtaan falalka qaldan.

Madaxweynaha Mar uu soo hadal qaaday arrimaha Gargaarka iyo Bani’aadaninimada ayuu sheegay in Tallaabada Labaad ee Dowladda u qorssheysan ay tahay sidii loo badbaadin lahaa Shacabka tabaaleysan ee ka barakacay dagaalladii ka dhacay qeybo badan oo kamid ah dalkani Soomaaliya.


Sheekh Shariif Sh.Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Sanadkaani ku tilmaamay inuu yahay Sanadkii Caddaaladda,Nabadgelyada iyo Horumarka,isagoona ku tilmaamay inuu midkii hore ahaa kii ay Dowladdu cagaheeda isugu taageysay islamarkaasna waxa uu tilamaamay in Kooxda Alqaacida Firdhadka ah iyo kuwa Caaswaalideennda ay ku adeegtaan aysan Dowladdu cabsi gelin doonin loona baahanyahay in Qof kasto u diyaar garoobo in dalka laga xureeyo Cadowga.

Madaxweynaha Soomaaliya Sh.Shariif Sh.Axmed ayaa isla maanta Salaan sharaf uga qaatay Xarunta Madaxtooyada Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda KMG-ka Soomaaliya.

Intii ay socotay Munaasabaddaasi ayaa waxaa lagu soo bandhigay Suugaan iyo Riwaayado Maad iyo Qosol leh kuwaasoo ay soo bandhigeen Fannaaniinta Qaranka Soomaaliyeed,iyadoona Munaasabaddaasi ay kusoo dhammaatay Jawigii loogu talo galay oo aad u dagan.

ceerigaabonews/desk muqdisho somalia