Useful Links
Somali Links

Qaramada Maanta :::::::YAA BADBAADIN KARA AAYAHA UMADA SOOMAALIYEED OO U HORSEEDI KARA BARWAAQO IYO MUSTAQBAL WANAAGSAN

Waxay ahayd dood xasasi ah oo dhex maraysay dhalinyaro aqoonyahano oo ah oo  kasoo jeeda deegaanka Maakhir ee Gobolada Sanaag,Haylaan,Bari iyo Jubada hoose,.waxa ay qaadatay wakhti aad u dheer in  laga doodo oo wax layska waydiiyo qaabka ugu haboon ee masuul kasoo jeeda Gobolada aan kor ku soo xusnay u hogaamin lahaa qaranka Soomaaliya.


 


Doodan oo lagu doodayay qaab cilmiyaysan oo ku tacaluqa aqoonta,dhaqanka xadaarada, iyo hormuudka umada Soomaaliyeed ayaa dhalintii ka qaybqaadanaysay waxa ay meel isla dhigeen in maanta xalka dadka,diinta iyo dalka Soomaaliyeed uu ku jira in wadanka Hogaankiisa uu qabto Mas'uul kazoo jeeda deegaanad aan kor ku soo xusnay.


Waxaa arinkan sabab loo ga dhigay mandaqada oo ah mandaqada ka madax banaanayd dhibaatooyinkii wadanka ka socday labaankii sano ee lasoo dhaafay,iyo iyadoo aan wax saamayn ah aysan ku yeelanin colaaduhu deegaan Sanaag iyo Haylaann,


Sidoo kale mandaqadaasi ay tahay mandaqada ay ka soo unkatnay xadaarada Soomaaliya, iyo ilbaxnimadii Soomaaliyeed ee dabayaaqadii qarnigii todobiyo tobnaad.


Deegaankaasi oo ah deegaanka ugu aqoonyahanada badan  wadanka Soomaaliya,iyo asbaabo ay ka mid yihiin xidhiidhka joogtada ah ee ay bulshadi la leedahay qaybaha kale ee umad Soomaaliyeed kani oo ku dhisan xadaarad,midnimo,ganacsi iyo horumar.


 


Aqoonyahanada oo doodoodu mar walba Saldhig ay u ahayd oo ku soo laa laabanaysan burburkii wadanka ka dhacay iyo asbaabtii gundhiga u ahayd oo wax badan oo baadhitaan ah ay ku soo sameeyeen aqoonyahanadu ayaa waxa si toos ah ay isug waafaqeen qoraal dhowr bog ah ka turjumayay dhalinyarada.


 


Qaraalkani ayaa waxaa ka mid ahaa in dhalinta Soomaaliyeed iyo Jiilashii qaangaadha ahaa markii dawladu ay burburtay ay noqdeen qaybaha ugu aayaha daran bulshada Soomaaliyeed.taasi oo ka turjumaysa in hadii umada dhalinteeda aayihiisu uu khaldamo bulshada qaybeheeda kale ay halis ku jiraan.


 


Waxaa la ogaaday oo laysku raacay in dadkii sababay burburka wadankeena hooyo cida qudha ee ay adeegsadaana ay yihiin dhaliyarada.sidaasi daraadeed dhalintu ay tahay cida mustaqbalkooda la baabi'inayo gacantoodana lagu baabi'inayo oo aan dareensanayn.


Dhanka kale tirade shacabka Soomaaliyeed oo 35 % dhaliyaro tahay ayaa waxaa dooda lagusoo hadal qaaday in wadamada reer galbeedku ay aad uga xunyihiin midowga iyo jiritaanka umada Soomaaliyeed sidaasi daraadeedna qorshohoodu uu yahay in dunida Soomaali wayn lagu kala yaaciyo si aan umada aysan u midoobin.


 


Wax dood socotoba gebgebadii waxaa laysla meel dhigay in umada Soomaaliyeed ubaahantahay ruux aqoonyahan  ah oo dhalinyaro ah oo ka madax banaan dhibaatadii iyo diiftii umadu ay kala gashay burburkii wadanka wixii ka danbeeyey uu dalka aayihiisu ku badbaadi karo.


 


Astaamaha caynkaasi ah oo dhan ruux leh umada Soomaaliyeed waa laga helayaa balse marka loo eego deegaanka,jawiga iyo juqraafiga xasarada Soomaaliya deegaano badan ayaan laga helayn.


 


Sidaas daraadeer gobolka ugu sumcada roonaaday Soomaaliya wakhtigii warshadaha iyo xadaarada caalamka,oo noqday hormuudka xadaarada Soomaaliya,gobolka qudha ee ka badbaaday burburkii boobkii iyo dhacii Soomaaliya.iyo gobolka qudha ee dhexdiisa aan cashuur laga qaadin, oo guud ahaan aan laga helayn hal isbaaro oo koox qawlaysato ah ama dawlad ha ahaadeene aanay ka jiri dhexdiisa. Waa gobolka dadka degani ay ku wada deganyihiin Nabad iyo wada noolaansho.waa gobolka Sanaag oo ka tirsan Maakhir State.


 


Dhalintan ayaa tubta ay hogaanka u qaadi lahaayeen ku saleeyey deegaan ahaan iyo maanta meesha qudha ee midnimada Soomaaliya ku xidhantahay in ay tahay deegaanka Maakhir.


 


Sidaasi daraadeed waxa dhalintu ay olole balaadhan ugu jiraan sidii dalka iyo dibida looga hirgelin lahaa Masuuliyiin loo tababaray oo u carbisan badbaadada umad Soomaaliyeed oo maanta mud labaataneeyo sano ah uu ku dhamaystay jaah wareer.


 


Dhanka taariikhd deegaanka Maakhir waxaa ka jira Saldanada ugu cimriga dheer maamulada abid Soomaray Soomaaliya.


Oo ahaa maamulka qudha ee aan u khuduucin gumaystayaashii wadanka soomaray sida Ingiriis iyo Talyaani. Oo ka madax banaanaa taliskii gumaystaha,oo si gaar ah u tashin jiray.


1960kii markii xornimada umada Soomaaliyeed lagu wareejinay wuxuu ahaa ninkii gacant loo geliyay Suldaan Maxamuud Garaad Cali isla markaasin go'aan saday in la sugo xornimad Soomaaliya.


 


 


Sidaasi li ajligeed hanka dhalintani ku jira oo ah Hogaanka iyo badbaadada umad Soomaaliyeed iyo katalinta aayaha qaranka iyo mustaqbalka jiilasha Soomaaliyeed iyo Hufitaanka sumcad umada ayaa ah han aad u wayn oo aan weli umada Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada aan weli wax iska waydiin.


Jidka ugu fudud ee loo mari karo hogaanka iyo badbaadada aayaha umada ayaa


 


waxaa laysla meel dhigay maadaama deegaankaas keliya uu kaga jiro meel hore samatabixinta Soomaaliya in


a) La tababaro dhalinyaro aqoon,dhaqan taariikhba u dhisan,


b)in loo diyaariyo dhalinyaradaasi masuuliyiinta noqonaysa dhaqaalihii iyo jidkii ugu haboonaaa ee ay ku hogaami lahaayeen umada.  


c)Aqoonyahana deegaanka Kasoo jeeda in ay ka taakuliyeen ubax maanta ee madaxdii berito jidka ku haboon ee Soomaaliya lo badbaadin lahaa,


d)In wadamada horuu maray ay saxaan siyaasadooda ku aadan Soomaaliya


e)In mas'uuliyiinta berito ay ka leexdaan jidkii iyo wax alaale iyo wixii ay ku khaldanaayeen dadkii ka horeeyey.


Doodan dhalintii ka qayqaadatay ayaa waxaa ka mid ahaa

1-Saleebaan Cismaan Saalax, oo hogaamiya ururk Maakhir Youth Forum kana mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee raadiya midnimadii iyo sharaftii umada Soomaaliyeed