Maalintii talaadada ayaa xarunta wilyaada Nahru-niil ee Catbara waxa ka dhacay kullan ay kasoo qeyb galeen Waaliga Gobolka, Wasiiradda caafimaadka ee dalka Sudan (Thabita Butrus) iyo wasiiro uu ka mid yahay wasiirka waxbarashada iyo barbaarinta Prof. Cali Cabdalla Xuseen.
Sidoo kale waxa kullankaas goob-joog ka ahaa madax sare oo ka socotay Taliyaasha Ciidanka Dowladda Sudan.

Waxaa kullankaas lagu falanqeeyay heerka tacliinta wilaayadda Nahru-niil, wixi u qabsoomay sannadkii lasoo dhaafay iyo ajandaha ku aadan sanadkan cusub ee 2010.
Maaha kulankii ugu horreeyay oo noociisa ah, wuxuuse daba socday kulamo isdaba jog ahaa oo sannad walba lagu qabto wilaayo ka mida dalka sudan.

Waxa kullankaas lagu casuumay arday soomaaliyeed ee waxka barta gobolka Nahru-niil magaalo madaxdiisa Catbara, waxayna si heersare ah uga dhexmuuqdeen kullankan iyagoo watay calanka soomaaliyeed.

Waxa ka mid ahaa madaxdii madasha ka hadashay Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Dr. Samiir, ugu horreyntiina wuxu mahad ballaaran usoo jeediyay ardeyda soomaliyeed isagoona ku amaanay dadaalkooda iyo firfircoonida ay muujiyaan.

Waxa kale oo isna hadal kooban ka jeediyay Wasiirka Waxbarashada wuxuuna ku nuuxnuuxsaday sida ay ardeyda soomaaliyeed hiil iyo hooba ula taagan yihiin, wuxuna xusay mataanaynta Wilaayadda la wadaagto dhigeeda Puntland ee Somalia.
Arday kor u dhaafaysa kontomeeyo ayaa waxbarasho kala gedisan sida kulliyadaha Caafimaadka, beeraha,iyo injineerinka ka dhigta Xarunta gobolka ee Catbara.
Horraantii sanadkii 2005 ayaa Gobolka Nahru-niil heshiis iskaashi dhinacyada waxbarashada ah la saxiixday Dowlad Goboloodka Puntland, iyadoo ay laba dhinac is dhaafsadeen wafdiyo dhowr ah oo uu ugu danbeeyay wafdi uu hogaaminayay Wasiirka waxbarashada Puntland
Dawo sawira kale


Cadnaan Dhoolay
Ceerigaabonews/khartoum