Nairoobi; Dowlada Kenya Ayaa Shaacisay In Ay Howlgal Adag oodhanka Amaanka Ah Fulineyso waxana ay sheegeen in ay gelayaan guryaha dadka somalida ah iyo degaanada ganacsiga si ay uga eegaan waxa ay iyagu ugu yeeren kooxo argagixiso ah oo alshabab ka mid ah horay ayey dowlada kenya raaf ba.an uga geysatey gudaha magaalada nairoobi kaasi oo lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo kor udhaafay 400 oo ruux kuwaasi oo iskugu jirey dadka somalida oo baro kacday iyo kuwa somalida kenya ah masuuliyiin dowlada somalia kamid ah iyo kuwo kaleba;
Saraakiil Sar sare oo Kamid Ah Ciidamada Amaanka Dowlada Kenya oo Maanta Saxaafada La Hadalay Ayaa Shaaciyey In Ay howlgalka Dib Ucusbooneysiinayan Islamarkaana Soo Qab qabandoonaan cidii ay uga shakiyaan shaqsiyaadka ay raadinayaan si markaas sharciga loosoo hortaago waxana ay intaas kudareen in ay ogyihiin meelaha ay joogaan kooxaha ka war haya alshabab oo degaanada somalia kasoo qaxay kuwaasi oo ganacsado iyo dad kaleba iskugu jira balse aan si fudud looga garan karin dadka kale .
Ciidamada Dowlada Kenya Ayaa Mudooyinakan Dagaal kula jirey raaditaanka kooxo xagjiriin ah kana mid ah kooxaha islaamiyiinta xag jirka ah ee gudaha somalia kadagaalama kuwaasi oo la aaminsanayahay in ay yihiin garab kamid ah shabkada alqaacidada argagixisada ah .
Guud Ahaan isu socodka dhinacyada Garoomada Iyo Dhulka ayaa dhibaato weyn ka taagan tahay iyadoo ay jiraan Baaritaano dheeraad ah oo dhinacyada xuduudka iyo airporka nairoobi kasocda kaasi oo salka ku haya ugaarsiga lagu hayo dadka somalida ah.
sharciyqaano kenyan ah oo somali ubadan ayaa kulan ay kuyeesheen Madaxtooyada Somalia Waxa ay Ku raad joogaan sidoo ay qorshe lagaga hortago ugu sameyn lahaayeen duulaanka dowlada kenya shacabka somaliyeed kusooqaaday shaciyaqaanadan ayaa ah kuwo dalka kenya udhashay balse somali ah kana soo shaqeeyey maxkamadaha sare ee dalka keenya masuuliyiintaasi oo gaara 6 nin ayaa sheegay in ay dowlada kenya ku khaldan tahay howlaha ay faraha kula jirto dhinaca kale ganacsatada somaliyeed ayaa wada abaabul ay ku taageerayaan Kooxahaas sharci yaqanada ah .
Ganacsatada Somaliyeed ee iskugu jira somalida kenya iyo kuwa kale ayaa Lasaaray Dhaqaale doora oo dowlada kenya sharciyaqanada qorshe sharci daro ah ugu dameynayaan kuwaasi oo kudoodaaya in ay yihiin sharci yaqanada dalka balse dowlada kenya qorshaha aywado aan waxaba kajirin uuna been abuur yahay.
Dhinaca Kale Wararka lagu Kalsooonyahay Ayaa Sheegaaya In Raafka Dadka Somalida Ah uu Salka ku hayo khilaaf ba.an oo soo kala dhexgalay Madaxweynaha Dalka Kenya Iyo Raiisulwasaaraha Dalkaasi labadaasi masuul oo Mudooyinkan xaaladooda kasoo dareysey ayaa madaxeynaha Dalka Kenya Ahna Taliyaha ciidanka Qalabka Sida ayaa qorshahaasi kadameeya Halka Raiisulwasaaru uu Sheegay In uu Qorshahaasi kasoo Horjeedo uuna Yahay Mid SHarci daro ah oo xizbiga talada haya kadameeyaan.
Ceerigaabonews/desk Boosaaso Puntland Somalia Maxamed Aamiin Yare