Useful Links
Somali Links

Xingalool oo Iskuul Caalami ah laga Hir Galiyay




Degmada Xingalool ee hoos timaada  G/Hayland ayaa la sheegay in Iskuul Baaxad wayn laga Hir Galiyay kaasi oo loo dhamaystiray Agabkii Iskuul La'aan Jiray Xidhiidh aan la sameeyay Maamulka Iskuulkaasi ayay ii sheegeen inay dhismaha Iskuulkaasi Iska kaashadeen Jaliyada deegaanka oo Bixiyay dhaqaalaha Iskuulkaasi.



Cabdi Casiis Qaalib oo Ka mid ah Gudiga dhismaha Iskuulka loo xil saaray ayaa xusay in Iskuulkaasi dhismihiisa ay Gacan wayn ka Gaysteen Jaliyadaha dibada oo Fuliyay  dhamaystirka Iskuulka.



C/Casiis Qaalib oo Xingalool ku sugan waxa kaloo uu sheegay in Iskuulku uu ka Kooban yahay Mid Sare Mid Hoose iyo mid dhexe isla markaana uu Leeyahay Lap-kii ay Ardaydu ku Samayn lahaayeen Shaqooyinkan ay u diraan Macalimiintu.



Cabdi Casiis Qaalib ayaa Yiri"Waxaan u Mahadcelin ilaahay Subxaanahu waa Talaacaa oo Sahlahy dhismaha Iskuulkan intaasi ka gadaal waxaan u Mahad celin Jaliyada Reer Xingalool oo Gacan wayn kaga siiyay dhismaha Iskuulkan iyo sidii ay Ardaydu u heli lahaayeen Waxbarasho Buuxda"Ayuu Yiri Mr Qaalib.



 



Dhanka kale Gudiga Iskuulka ayaa cara baabay in Iskuulka ay ka hawl Galidoonaan Macalimiin Aqoon u leh Barida Ardayda kuwaasi oo Banaanka Gobolka laga Keenayo.



Mashcruucan Iskuulka lagu dhisay ayaa mid la mid ah waxa laga wadaa isna Deegaanka Midigale kaasi oo ay Isagana Gacan ka Gaysanayaan Jaliyada Deegaankaasi kuwaasi oo wada Abaabul Degmooyinka Waxbarashadooda kor Loogu qaadayo.



Qiimahaasi Iskuulkaasi ku Kacay ayaa la sheegay inuu Kor u dhaaftay Aduun Lacag ah oo Gaadhaysa 270$  Laba Boqol iyo Todobaatan Kun oo Doolar sida ay Xaqiijiyeen Gudiga dhismaha,waxa Xusid mudan inuu Iskuulku Leeyahay Ceel Biyood oo u Gaar ah iyo Masaajid lagu Tukado Salaad.



 



 



Jaamac Feyte



Feyte37@hotmail.com


Xigasho: dhahar.com