Xildhibaan Beeniyey in Shirkii ka socday Galgala uu burburay
Xildhibaan ka tirsan Golaha degaanka ee magaaladda Bosaaso kana soo jeeda degmadda Galgala ee gobalka Bari, ayaa maanta si kulul uu beeniyey warar beriyahan dambe soo baxayey oo sheegaayay in Shir u socday Beesha iyo Dowlada Puntland oo ka socday degmadaasi Galgala uu burburay.
Xildhibaan Mukhtaar Maxamuud Faarax oo loo yaqaano Xabeeb, kana soo jeeda beesha degta degmada Galgala oo maanta Shir Jiraa’iid ku qabtay xarunta Dowladda Hoose ee magaaladda Bosaaso ayuu sheegay in kulanka uu dhaxeeya Odeyaasha iyo Waxgaradka kasoo jeeda degaanka Galgala iyo Xukuumadda Puntland uu weli halkaas ka socdo.
Waxaana uu cambaareyn usoo jeediyey qaar ka mid ah Warbaahinadda oo uu ku eedeyey in maalmihi lasoo dhaafay ay tebiyeen warar sheegaayan in Shirkaas uu burburay ka dib marki labadaas dhinac ay isafgaran waayeen.
Inta uu ku guda jiray Shirkiisa Jiraa’iid Xildhibaanka ayaa sheegay in kulankaas uu furay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Faroole,uuna la socodkiisa uu xilsaaray 5-ka mid ah Golihiisa Wasiirada oo ay kala yihin;
1.Wasiirka Howlaha Guud;Daahir Khaliif(Gudoomiye)
2.Wasiirka Maaliyada;Faarax Cali Jaamac(Xubin)
3.Wasiir Kuxigeenka labaad ee arimaha gudaha;Cali Yuusuf Xoosh(Xubin)
4.Wasiiru Dowlaha Amniga;Cali Saalax Xamar(Xubin)
5.Wasiir kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalah;Siciid Daahir Qodax(Xubin).
Mr.Mukhtaar ayaa sheegay in dadkii tebiyey wararkaas sheegaya in shirkii Galgala uu fashilay, looga baahnaa in ay hubiyaan inta aysan warkaas tebin, wuxuuna tilmaamay in uusan aqoon halka ay ka heleen xogtaas ayadoo uu sheegay in kulankaas ay ka qayb galayaan ila 21-Odeyaal iyo Cuqaal oo uu horkacaayo Caaqil Cabdi Faarax oo ah Caaqilka guud ee Beesha Warsangeli ee gobolka Bari.
Wuxuuna si kulul uga carooday wararka ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinadda oo uu ku sheegay in ay yihiin warar aan sugneyn.
Wuxuu sheegay in maalmo ka hor uu degmadda Booqasho uu ku tegay Xogheyaha guud ee Dowladda Hoose C/risaaq Axmed Geeldoon oo maanta goobjoog ka ahaa Shirka Jiraa’iid ee lagu qabtay xarunta Dowladaha Hoose ee Boosaaso.
Wuxuuna shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Dowladda Puntland uu sidoo kale booqasho ku tegi doono Degmadda Galgala markii uu kasoo laabto Socdaalkiisa uu iminka ku maraayo qaar ka mid ah wadamada ku yaala Qaaradda Afrika, ayuu yiri Xildhibaanka.
Degmada Galgala oo ka tirsan gobalka Bari ayaa waxaa maalmahan ka socday shir u dhaxeeya Cuqaasha gobalka iyo Wadaad lagu magacaabo Maxamed Siciid Attam oo deegaankaasi buuraleyda ah ku heysta maleeshiyo hubeysan.
Kulankan ayaa yimid kadib markii ay horey kulan gaar ah magaalada Garowe ee caasimada Puntland ku yeesheen odayaasha beesha uu kasoo jeedo Shiikh Maxamed Attam iyo Madaxweynaha Puntland.
Sida ay sheegeen qaar kamid ah saxaafadda Puntland Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa fariin uu odayaasha ugu dhiibay Shiikh Maxamed Attam ugu baaqay in hubkiisa kusoo wareejiyo dowlada Puntland, isla markaana la kala diro maleeshiyooyinka hubeysan ee ku sugan deegaankaasi, inkastoo aysan odayaasha Beesha aysan shaacin fariintii uu Madaxweyne Faroole u diray Shiikh Attam.
Shiikh Maxamed Siciid Attam ayaa in muddo ah ku sugan deegaanka Galgala oo uu deegaan ahaan u dhashay, waxayna dadka qaar ku tilmaamaan Shiikha inuu xiriir la leeyahay kooxaha koonfurta Soomaaliya ka dagaalama, taasi oo shaki ku abuurtay dad badan oo arrimahan la xariirinayey falal amni xumo ah oo ka dhacay magaalada Bosaso.
Hase yeeshee Shiikh Maxamed Siciid Attam ayaan asagu aan arrimahan dhanka saxaafadda kala hadal, walow cuqaasha Galgala ayaa sheegeen in Shiikh uu beeniyey inuu wax lug ah ku leeyahay falalka amni xumada ah.
Xildhibaan Mukhtaar ayaa ku sheegay dad dano gaar ah wata inay ka danbeeyaan wararka lagu eedaynayo Shiikh Maxamed Attam oo uu sheegay inuu yahay wadaad deegaanka u dhashay, isla markaana dhulkiisa jooga.
Xildhibaanka ayaa intaa ku daray in Beesha Galgala degta ay ku heshiisay in dhamaan dhalinyarada hubeysan ee deegaankaas ku sugan ay waalidiintooda kaxeystaan oo la kala diro.
Xildhibaan Mukhtaar ayaa ugu danbeyntii sheegay in Shiikh Maxamed Attam uu ogolaaday dadaalka iyo Wadahadalka ay wadaan Cuqaasha iyo Odayaasha deegaanka.
xigasho horseed